Kooxda caafimaadka dhimirka/maskaxda ee qaxootiga 

Ma rabtaa qof aad la hadasho?  

Ma haysaa wax badan oo aad ka fikirto, ma daalan tahay, wareer ma ku haaya ama ma hurdada ka liidato? 

Annagga oo ka tirsan kooxda caafimaadka dhimirka/maskaxda ee qaxootiga, waxaad la hadli kartaa dhakhtarka cilmi-nafsiga ama lataliyaha caafimaadka dhimirka. 

Waxa ana saaran waajibaadka qarinta sirtaada, barnaamijkan waa bilaash, waxaana adeegsan karnaa turjumaan.  

Wac ama fariin u dir 45 65 16 31 ama 40 40 59 04. 

Waxaad naga heli kartaa guriga hawlaha firaaqada ee Bjørnegården Slependveien 1.  waxaan sidoo kale ku kulmi karnaa guriga degmada ee Sandvika.